HomePUNTLANDSaciid DENI oo xilal u magacaabaya shaqsiyaad kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Saciid DENI oo xilal u magacaabaya shaqsiyaad kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Garoowe (xaroobweb.com) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland ay lee yihiin xuquuq lamid ah bulshada deegaanka.

Deni ayaa si weyn u diiday in dadkaasi loogu yeero barakacayaal, wuxuuna tilmaamay in mar hore ay liiskaas ka saartay dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday  inuu xilal siyaasadeed u magacaabi doono shaqsiyaad ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ku sugan deegaanada Puntland, si ay talada wax ugu yeeshaan.

“Anigu ma oranaayo dadka Koonfur Galbeed, waa dadka reer Puntland, kelmadda barakaca iyagaa ku celcelya annaga waa horaan ka saarnay, wixii ay ka helaan xilalka la dooranayo waa meesheeda laakiin waxaan balan qaadayaa dowladda inay wax ka heli doonaan doorashada markay dhammaato dadka la magacaabayo ayeyna qayb ka ahaan doonaan” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Horay ayay usoo socotay arrintan, waxaana jira qorshayaal soo socday oo ku aadan sidii ay xubno maamulka Puntland ugu yeelan lahaayeen dadka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaalooyinka maamulkaas oo ay ku leeyihiin ganacsiyo kala duwan iyo guryo.

Waxaa kale oo jira xubno siyaasiyiin ah oo hadda ku jira ururada siyaasadda ee Puntland, kwuaas oo rajo ka qaba doorashooyinka deegaanka ee ka dhacaya Puntland.

Hadalkaan ayaa madaxweyne Saciid Deni waxa uu ka sheegay munaasabad qayb ka ahayd ololaha cod raadinta xisbigiisa ee doorashada golayaasha deegaanka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo dhowaan qabsoomi doonta, kuwaas oo loogu jiro loolan aad u xoogan.

RELATED ARTICLES

News in English

Allergies

About allergies An allergy is a reaction the body has to a particular food or substance. Allergies are very common. They’re thought to affect more than 1 in...
- Advertisment -spot_img
- Advertisment -spot_img

Xulka Allbanaadir

Somalia: The Horn of Africa’s Enigmatic Nation

The Somali peninsula, often referred to as the "Horn of Africa," is home to one of the world's most enigmatic nations—Somalia. This captivating country,...

Allergies

0
About allergies An allergy is a reaction the body has to a particular food or substance. Allergies are very common. They’re thought to affect more than 1 in...
somalia

Somalia Country |Exploring the Rich Culture and History of Somalia

0
Introduction Somalia CountryGeographical and Historical OverviewCulture and TraditionsEconomy and TradeConclusion Introduction Somalia Country Somalia Country, a land of captivating beauty and a storied history, beckons the...

Prime Minister of Somalia Initiates Dialogue to Repair Federal-Puntland Relations

0
Somali Prime Minister Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre reiterated the enduring cordiality between the federal government and the Puntland regional state, despite the recent...
The Rise of City-States

Somalia: The Horn of Africa’s Enigmatic Nation

0
The Somali peninsula, often referred to as the "Horn of Africa," is home to one of the world's most enigmatic nations—Somalia. This captivating country,...